31.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: Axmed Madoobe oo ka hortagay qorshe Xasan uu ka damacsanaa Doorashada ka socota Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ku amray inay hakiyaan Doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka cusub ee Somalia.

Axmed Madoobe ayaa Go’aankaasi qaatay kadib markii lagu wargaliyay in Kismaayo ay soo gaaren Musharaxiin dhowr ah kuwaasi oo uu wato Madaxweyne Xassan Sheekh.

Musharaxiintaani dooneysa inay kamid noqdaan Baarlamaanka Cusub, ayaa waxaa iyaga iyo Ergooyinkooda Magaalada Muqdisho ka Safriyay Xassan Sheekh, waxaana la soo warinayaa in Dhaqaalaha uu bixinaayo Xassan.

Musharaxiinta dartooda loo hakiyay Doorashada ee uu wato Madaxweyne Xassan ayaa waxaa ku jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka uu wakhtigiisu dhamaaday.

Waxaa sidoo kale ku jira Dhalinyaro ka tirsan Damul-jadiid kuwaasi oo ka tirsan DF isla markaana deegaan ku ah magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa xubnahaasi ka hor imaadaya Odayaal ku heeb ah oo si dhow ula shaqeeya Madaxweyne Axmed Madoobe waxaana hakinta Doorashada marmarsiyo looga dhigay in Musharaxiinta iyo Ergada uu ka dhextaagan yahay Khilaaf.

Axmed Madoobe ayaa xiligaani si toos ah ula safan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ahna Musharax loolan kula jira Xassan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee Doorashada Aqalka Hoose ee ka socta Jubbaland ayaa hakat ku jirta maalintii labaad.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News