29.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland oo Is casilay + Sababta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Waxaa goordhow is casilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Maamulka Puntland Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo).

Axmed Kismaayo ayaa is casilaadiisa kusoo daabacay Bartiisa Facebook waxa uuna ka gaabsaday inuu sheego sababta ka danbeysay is casilaadiisa.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland Axmed Kismaayo ayaa sidoo kale sheegay in warqadiisa is casilaada uu u gudbiyay Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Axmed Kismaayo ay isku dhaceen C/wali Gaas, khilaafkaasi oo ka dhashay Hanaanka loo maareyn lahaa Xildhibaanada Cusub.

 

warr

- Advertisement -

Read more

Local News