Muqdisho (Caasimada Online)-Sida ay kusoo waramayaan dadka ku nool Gobolka Galgaduud waxaa deegaan hoostaga Gobolkaasi isku dal dalay mid kamid ah dadka deegaanka oo la sheegay inuu ahaa Xoolo dhaqato.
Ninkaani oo kamid ahaa dadka Degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, ayaa is dal dalay kadib markii xoolo uu lahaa ay ku dhinteen abaaraha ka jira Gobolkaasi.
Ninkaani ayaa waxaa abaarahaasi uga dhintay xoolo aad u farabadan, waxaana la soo sheegayaa in qudhiisa uu ahaa mid ay abaartu saameysay, sidaana uu go’aan is dal dalaad ah ku gaaray.
Ninkaani xoola dhaqatada is dal dalay ayaa waxaa maanta Meydkiisa lagu arkay Hooyga uu ka degnaa Deegaanka Baxdo, waxaana Hooygiisa lagu arkay isagoo qoorta isaga xiray xarig kadibna iska soo raariciyay qeybta sare ee qolkiisa.
Marxuumkaani gacantiisa sababsaday ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cumar Xasan, waxa uuna kamid ahaa dadka ugu xoolaha badan deegaanka Baxdo.
Qaar kamid ah Gobolada dalka ayaa waxaa ku dhuftay abaaro baahsan oo galaaftay noolaha ku dhaqan Goboladaasi ay abaartu u hoyatay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

