Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo mudooyinkaani danbe ku mashquulsanaa danihiisa gaarka ah, ayaa goordhow si adag uga hadlay dhibaatooyinka heysta shacabka ku nool Gobolada ay abaaruhu saameyeen.
Sharmaarke, ayaa ka digay saameynta ay Abaaruhu sababi karaan ee ka jira Dalka, hadii aan gurmad deg deg ah loo helin dadka ku nool Gobolada ay abaaruhu ka jiraan.
Sharmaarke, waxa uu sheegay in Abaaraha jira ay ka duwan yihiin kuwii hore, waxa uuna cod dheer ku sheegay inay mudantahay in xili hore loo gurmado dadka ay abaaruhu saameyeen.
Sharmaarke, ayaa sheegay in xubno ka tirsan Hay’adda QM ay kala hadleen sidii gar gaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ay Abaaruhu saameeyeen.
Sidoo kale, Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo isna ku mashquulay danihiisa gaarka ah, ayaa wakhti danbe kusoo baraarugay in deegaanada maamulkiisa ay ka jiraan abaaro ba’an.
C/wali Gaas, ayaa shacabka Maamulkaasi ugu baaqay in ay u istaagaan kaalmeynta iyo u gurmashada dadka ay Abaaruhu saameeyeen.
C/wali Gaas ayaa sheegay in Maamul ahaan iyo shacab ahaan reer Puntland looga baahan yahay wax u qabashada dadka ay saameeyeen Abaaraha Dalka ka jira.
Gaas, ayaa sheegay in Maamul ahaan hada ay u istaageen gar gaar dhankooda ah in ay sameeyaan, laakiin shacabka looga baahan yahay in ay qeyb ka qaataan kaalmeynta walaalahooda.
Haddalka Ra’isul wasaare Cumar iyo C/wali Gaas, ayaa imaanaya iyadoo Abaarahaani ay ku dhamaaden Kontomeeyo ruux, waxa ayna intaa ahaayen kuwo ku mashquulsan danahooda gaarka ah, iyagoo ilaabay mas’uuliyadii ka saarneyd shacabkaasi.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

