Cadaado (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan maamulka Ahlusunna ay weerar culus ku qaaden guri uu magaaladaasi ka degnaa Ex Hogaamiye Kooxeed Cabdi Nuure Siyaad (Cabdiwaal).
Ciidamada Ahlusunna ayaa la sheegay in goortii ay tageen Hooyga Cabdi-waal ay rasaas ooda uga qaaden, waxaana halkaasi ay is rasaaseyn ku dhexmartay Ciidamada Ahlusunna iyo Ilaalada Cabdiwaal.
Is rasaaseyn muddo kooban soctay kadib ayaa la sheegay in Ciidamada Ahlusunna ay gacanta ku dhigeen Ilaalada Cabdiwaal.
Ciidamada Ahlusunna ayaa sidoo kale, Hooyga Cabdiwaal kala baxay Hub farabadan oo uu lahaa Cabdiwaal.
Xiliga ay Ciidamada Ahlusunna weerarka ku qaadayeen Hooyga Cabdiwaal, ayaa waxaa la sheegay in Cabdiwaal uu ka maqnaa Guriga isla markaana ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Ma jirto wax hadal ah oo kasoo baxay Ahlusunna kaa oo ku aadan weerarka ay ku qaaden Hooyga Cabdiwaal.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]