Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah Warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa fursad u heshay inay wareystaan Ruuxii waday Gaarigii shalay ku qarxay Suuqa Beerta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.
Ruuxaani oo u gacan galay Ciidamada Dowlada ayaa sheegay inuu ku faraxsanaan lahaa inuu ku dhinto Qaraxa, balse uu aad uga xun yahay inuu badbaaday.
Ruuxaani waxa uu sheegay inuu dhibsaday nolosha taana ay sabab u noqotay inuu haligo naftiisa, isagoo fulinaaya weerarkaasi oo uu ku sheegay mid xaq ah.
Ruuxaani oo magaciisa ku sheegay Xasan Cabdi, ayaa sheegay in aduunka uu ciriiri ku yahay isla markaana uu maciin biday inuu haligo naftiisa.
Xasan Cabdi waxaa uu intaa ku daray in maalmo ka hor la baray sida loo wado gaariga, isla markaana qorshihiisa uu ahaa inuu aduunyada ka tago, waxaana ereyada ninkan la yaabay inta badan dadka ku dhaqan magaalada.