26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Wararkii ugu dambeeyay aagga dagaalka iyo Puntland oo ciidamo geysay….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso(Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidamo badan oo ka socdo maamulka Puntland oo tagay duleedka degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ciidamada ka socdo maamulka Puntland ka sokow waxaa kale oo jira ciidamo u abaabulan qaab beeleed oo doonaya iney la dagaalamaan ciidamada Daacish ee Deegaanka ku sugan.

Ciidamada isbaheysanaya ayaa doonaya iney dagaal la galaan ciidamada kooxda Daacish ee kusugan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Dhinaca kale kooxda Daacish ayaa dhankeeda dhaqdhaqaaq ciidan ka waddo deegaanka Qandala iyo deegaanada ku xeeran, waxaana shalay ay tageen deegaan ku dhow Qandala.

Ciidamada maleeshiyaadka deegaanka iyo kuwa Puntland oo ka dhaqaaqay magaalada Boosaaso ayaa xalay ku hoyday meel ku dhow  degmada Qandala.

Dhaqdhaqaaq ciidan ayaa laga dareemayaa degmadaasi oo kooxda daacish ku sugan tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News