26.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Micheal Keating oo weerar ku qaaday Jawaari kadib markii uu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga Qaramada midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating, ayaa ka hadlay kaalinta uu Gudoonmiyaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ku leeyahay Siyaasada Somalia.

Micheal Keating, ayaa sheegay in Jawaari uu miisaan ku dhex leeyahay Siyaasada Somalia, waxa uuna taa bedelkeeda sheegay inuusan diyaar u aheyn ka qeybqaadashada xalka Somalia.

Waxa uu Mr Micheal Keating sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia lagu xagliyo dhanka Madaxweynaha Somalia, waxa uuna farta ku goday inuusan wakhti badan galin sida xal loogu heli lahaa Somalia maadaama uu awood u leeyahay xalinteeda.

Micheal Keating, ayaa tusaale usoo qaatay Faragalinta uu Jawaari ku hayo Doorashada ka socta magaalada Baydhabo isagoo taageero u raadinaayo Xasan Sheekh.

Keating waxa uu intaa raaciyay in xalka Somalia uu ku jiro gacanta Guddoonka sare Baarlamaanka oo wali leh awood ku filan inta laga soo dhisaayo Dowlada Somalia.

Jawaari ayuu ku eedeeyay inuu waxbadan kala socdo dib u dhacyada Doorashooyinka waxa uuna cod dheer ku sheegay in Beesha Caalamka ay nasiib darro u aragto arrimahaani.

Micheal Keating, ayaa ka digay in Madaxda ugu sareysa dalka ay baalmaraan sharciyada dalka ka jira, waxa uuna codsaday in madaxda ay arrimahaani khuseeyan u diir-naxaan Shacabka si ay u helaan Dowlad caadi ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News