Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xiisad cusub ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kadib markii waaberigii saaka ciidamada Galmudug iyo Puntland ku dagaalameen magaalada.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo.
Xiisada waxay ka dambeysay markii saaka ciidamada labada maamul u dagaalameen bar koontarool oo magaalada ku taala, kadib markii ciidamada ay isku dayeen iney xoog ku gudbiyaan gaadiid ganacsi oo koofur Gaalkacyo kusoo jeeday.
Inkastoo haatan xaalada magaalada tahay mid degen ayaa haddana waxaa jirta cabsi dadka deegaanka ay qabaan, maadaama Galmudug dhankeeda joojisay gaadiidkii ka imaan jiray dhanka Puntland.
Labada dhinac maamulada Puntland iyo Galmudug kama aysan hadlin dagaalka maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]