31.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Xog: Hadalkii Cumar Dhagey oo xaqiijiyey qorshaha ayaan darrada ah ee beesha caalamka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee beelaha Banaadiriga ayaa waxaa buuxsamay kooramka xildhibaanada ku furan karaan shirarkooda.

Gudiga doorashada dadban ee heer federaal ayaa shaaciyay in la helay seddex meelood labo meel la doortay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha gudiga doorashada dadban Cumar Cabdulle Dhageey oo saxaafada kula hadlay goobta doorashada aqalka hoose ee beelaha Banaadiriga ka dhaceysay ayaa sheegay in xildhibaanada iminka ay heystaan kooram ku filan.

Laakiin Cumar Dhageey ma uusan sheegin tirada rasmiga ah ee xildhibaanada, balse sida sharciga kooramka xildhibaanada shir ugu fariisan karaan ayaa gaaraya 184 Xildhibaan.

“Maanta tirada Golaha shacabka ee la doortay waxa ay gaarayaan saddex dalool labo dalool oo ah tiro ku filan in Baarlamaanka uu ku fariisan karo, inkastoo ay inoo dhiman yihiin Gobolada Waqooyi, sidoo kale waxa ay maalin weyn maanta u tahay in Doorashadii ugu horeysay ay ka dhacdo Caasimada dalka.” Ayuu yiri Abukaate Dhagey.

Waxaa jira warar sheegaya in la rabo in doorashada guddoomiyaha baarlamanka iyo tan madaxweynaha la qabto ayada oo aan lasoo wada dhameystirin xildhibaanada cusub.

Arrintan ayaa waxaa ka dambeeya beesha caalamka oo dooneysa in doorashada ay dhacdo ka hor waqtiga ciidda masiixiga iyo sanadka cusub, si ay fasax dheer u galaan.

Waxaa ayaan darro ah in mustaqbalka Soomaaliya loo geba gebeynayo danta gaar ahaaneed ee shaqsiyaad fasax doonaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News