Cadaado (Caasimada Online) – Maxamed Axmed Abtidoon (Abtidoon Yare) ayaa ku guuleystay doorashadii Aqalka Hoose ee maanta ka dhacday magaalada Cadaado ee xarunta Galmudug.
Abtidoon Yare ayaa waxaa la tartamay oo uu ka adkaaday Caasha Xaaji Cilmi, Ubax Axmed iyo Aadan Cusmaan Cali. Kurisgan ayaa ahaa kursiga beesha Gaabane ee Saleebaan/Habar-Gidir.
Abtidoon ayaa helay 41 ka mid ah codadka 51-ka ergo ee maanta codkooda dhiibtay, taasi oo muujineysa taageero xooggan.
Abtidoon oo ah nin da’yar ayaa taageero xooggan ka helay ergada beesha, oo doorbiday isbeddel cusub, maadaama Caasha Xaaji Cilmi ay kursiga ku fadhisay muddo aad u fog.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]


