Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo lagu doortay Xildhibaanada kamidka noqon doona Baarlamaanka cusub ee Somalia.
Doorashada oo aheyd mid xiisa leh ayaa waxaa kusoo baxay Mas’uuliyiin kala duwan oo miisaan ku leh Siyaasada Somalia.
Doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu doortay Saddex kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee yaalla Magaalada Baydhao, halka Doorashada ka dhacday magaalada Muqdisho iyana lagu doortay laba kursi.
Doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo baxay Xubnaha kala ah:
1-Xasan Ibraahim Maxamed
2-Maxamed Isaaq Cusmaan
3-C/fitaax Geeseey
Doorashada Aqalka Hoose ee ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxaa iyana kusoo baxay Xubnaha kala ah:
1-Mahad Cabdalla Cawad
2-Khaalid Macoow C/qaadir
Maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in Doorashooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ay halkooda kasii socdaan waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo idlaan doonto Doorashada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

