32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Gaas oo si dadban u iibsaday Puntland iyo Shiinaha oo loo saxiixay in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa socdaalka Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas ee dalka Shiinaha.

Wararku waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Gaas uu Dowlada Shiinaha u saxiixay heshiis u muuqda mid lagu baalmaraayo sharciyada guud ee dalka.

C/wali Gaas ayaa Dowlada Shiinaha u saxiixay lahaanshiyaha dhulal beeredyo dhowr ah, waxa uuna dhulalkaasi ku bedeshay aqbalida ah in Shaqaale kasoo jeeda dalkaasi loo soo diro Puntland.

Mid kamid ah Mas’uuliyiinta Gaas ku wehlineysa socdaalka dalka Shiinaha ayaa inoo xaqiijiyay in C/wali Gaas uu Dowladaha Shiinaha ugu deeqay ilaa 7 dhul oo dhul beereed ah.

Mas’uulkaani waxa uu sheegay in dhulalkaasi ay maalgishan doonto Hay’ad xukuumi ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha.

Waxa uu intaa ku daray in Gaas qudhiisa uu ballanqaadyo dhowr ah ka helay Dowlada Shiinaha waxaana kamid ahaa ballanqaadkasi dhismaha waddooyin dhowr ah, dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, sameynta laba warshad oo wax soo saar leh iyo waxyaabe kale oo la sheegay inay sara qaadi doonto dhaqaalaha Puntland.

Sidoo kale, C/wali Gaas ayaa la sheegay in Dowlada Shiinaha uu u saxiixay bixinta xuquuqda lagu fulinayo Mashaariicda.

Heshiiska uu C/wali Gaas la galay Dowlada Shiinaha ayaa u muuqda mid lagu maja-xaabinaayo Qaranka Somalia, waxa uuna Heshiiskaasi dhacay xili Madaxweynaha dalka uusan arrinkaasi la socon.

Dhinaca kale, C/wali Gaas oo wakhtiga u harsan uu kasii dhamaanayo ayaa ku dhiiranaaya inuu ka faa’iideysto heshiisyada qabyada u ah ee uu dhaqaalaha la socdo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News