Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Somaliya Gen. Abdulkhadir Sheekh Cali Diini ayaa ka hadlay Awooda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Somalia.
Wasiir Diini ayaa sheegay in caalamka uu aad u yasaayo ciidamada Militeriga Somalia, balse waxa uu dhankiisa daaha ka qaaday in ciidamadu ay yihiin kuwo ka awood badan kuwa AMISOM, hayeeshee ay muuqato inaan ahmiyad gaara lasiineynin.
Wasiir Diini waxa uu sidoo kale, sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Somalia ay yihiin kuwo ku filan sugidda ammaanka Dalka, waxa uuna arrin aan xiligeeda la joogin ku tilmaamay ciidamada shisheeye ee kusii baahaya dalka.
Waxa uu tilmaamay in tababarka iyo kaalmooyinka kale ay ka qayb qaadan karaan Ciidamo shisheeye, balse aanay habboonayn, saxna ahayn in Cid kale marti looga noqdo laguna halleeyo dhismaha iyo difaaca Dalka.
Sidoo kale, Wasiir Diini waxa uu ku qeyla dhaamiyay in mar waliba loo taagnaado difaaca dalka iyo dadka oo uu micnuhu ula jeedo in Cid waliba ay ilaalsato dalkeeda.
Haddalka Wasiir Diini ayaa danqinaaya Taliska iyo Ciidamada AMISOM oo u taagan inay ku wakhti dhameystaan gudaha Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

