26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Cumar C/rashiid oo ku dhawaaqay hadal afar sano ka hor xilka uu ku waayay Sheikh Shariif

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo saxaafada kula hadlayay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay hogaanka dalka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in dalka Soomaaliya u baahan yahay hogaan waji cusub leh, waana hadal uu afar sano ka hor xiligii doorashada jeediyay C/welli Gaas.

Hadalkaasi ayaana horseeday sida la wada xasuusto inuu xilka madaxweyne ku waayo Sheikh SHariif Sheikh Axmed, kadib markii C.Welli gaas uu sheegay in isbedel iyo waji cusub loo baahnaa.

Cumar C.rashiid oo la kulmay xildhibaanada aqalka sare ee Jubbaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in isbedel hogaanka Soomaaliya ah la sameeyaa.

Wuxuu balanqaaday inuu dalka wax badan ka badali doono, sida shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada shaqo doonka ah iyo bulshada SOomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News