Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan SHeikh Maxamed Faroole ayaa si yaab leh kaga hadlay hadal dhawaan kasoo baxay gudiga doorashiiyinka dalka.
Wuxuu si gaar ah kaga hadlay hadalkii ku aadanaa in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya loo sameynayo kaarar aqoonsi.
C/raxmaan Faroole oo iminka ka mid ah senetarada dalka ayaa sheegay in gudiga doorashada ay wadaan sheeko aysan la dhacsaneyn, sida uu hadalka u dhigay.
“Ninka hadda madaxda looga dhigay guddiga doorashada, qaraabo dhowna ay yihiin Xasan Sheikh wuxuu ku dhawaaqayay Xamar ha yimaadaan xildhibaanadu oo ha qaataan kaararka aqoonsiga, arrintaas waxaan u aragnaa inay tahay sheeko carruureed,” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Faroole
Wuxuu sidoo kale sheegay in sharci daro tahay in gudi doorasho qaabilsan loo dhiibaa kaararka aqoonsiga xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.
Gudiga doorashooyinka ayaa maalmo ka hor ka sheegay magaalada Muqdisho in kaarar aqoonsi loo sameyn doono xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

