Jowhar (Caasimada Online) – Beesha Jiidle ayaa mowqifkeeda ku aadan kursiga xildhibaanka beeshaas u gudbisay maamulka Hirshabelle iyo guddiga doorashada, si muranka kursigaas la geliyey xal looga gaaro.
Kursiga beeshan ayaa waxaa ka dhalatay fowdo kadib markii wasiirka dhallinyarada dowladda federaalka uu carqaladeeyey doorashada isaga oo ay u caddaatay in looga guuleysanayo.
Warqadda oo maamulka Hirshabelle iyo guddiga doorashada ay diideen inay ka hadlaan kana qariyeen warbaahinta ayaa iminka si rasmi ah loo soo bandhigay.
Hoos ka aqriso.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]


