Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan Caasimadaha gobolada dalka qaarkood ka dhacay Doorashada Golaha Aqalka Sare ee la jaanqaadi doona Dowlada cusub ee bedeli doonta tan Xasan Sheekh.
Doorashooyinka Aqalka Sare ee dhawaan ka kala dhacday Magaalooyinka Cadaado, Kismaayo, Garoowe, Jowhar iyo Baydhabo, ayaa waxaa lagu doortay Siyaasiyiin iyo Ganacsato Hantidooda u huray kamid noqoshada Aqalka Sare ee dalka.
Xog uruurin aan sameynay ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ”Afar meelood Seddex dhig iyo bar” Musharaxiinta u tartameysay xubinimada Aqalka Sare ay adeegsaden dhaqaale xad dhaaf ah.
Xogaha aan ilaa iyo hadda helnay ayaa tibaaxeysa in dhaqaalaha ay bixiyeen xubnahaasi qaarkood ay kala ahaayen:
1- Seddex Kursi oo kamid ah Kuraasta Aqalka Sare ee lagu doortay magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu kala bixiyay 1 milyan iyo Sideed boqol, 1 milyan iyo afar boqol, halka Kursiga Seddexaad lagu bixiyay 800,000 oo dollar.
2-Afar kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka Sare ee lagu doortay magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu kala iibsaday 1 milyan iyo Seddex boqol, 900,000 oo dollar, 700,000$, halka Kursiga Afaraad lagu doortay 500,000 oo dollar.
3-Laba Kursi oo kamid ahaa Kuraasta Aqalka Sare ee laga soo xulaayay magaalada Garoowe, ayaa waxaa lagu kala iibsaday 600,000 oo dollar, halka Kursiga labaad lagu bixiyay dhaqaale dhan 400,000 oo dollar
4-Hal Kursi oo kamid ah Kuraasta Aqalka Sare ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo, ayaa waxaa lagu iibsaday 500,000.
5-Laba Kursi oo kamid ah Kuraasta Aqalka Sare ee lagu doortay magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu iibsaday 700,000, halka kursiga labaad lagu bixiyay 20,000.
Doorashooyinka ugu badan ee lagu hareermaray Cadaalada ayaa waxa ay ka kala dhaceen magaalooyinka Jowhar iyo Cadaado oo ay isku uruursanayaan Damul-Jadiidka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

