Gaalkacyo (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa duulaanka Ciidamada maamulka Puntland ee magaalada Qandala.
Ciidamada maamulka ayaa lasoo warinayaa inay ku sugan yihiin deegaan 45km u jira magaalada Qandala gaar ahaan deegaanka Kariin Qandala oo ay ka qaadayaan duulaanka.
Ciidamada maamulka ee deegankaasi ku sugan ayaa lagu wadaa in maanta ay ka ambabaxaan iyagoo kusii dhawaanaya magaalada Qandala oo gacanta ugu jirta Maleeshiyaadka Daacishta Somalia.
Ciidamo dheeraad ah oo la sheegay inay waatan ku dhawaad Afar gaari ay ku biiren Ciidamada ku sugan duleedka Degmada Qandala.
Saraakiisha hogaamineysa Ciidamada ayaa goordhow sheegay inay qaadayaan duulan kama danbeys ah oo ay kula wareegayan Degmada.
Dhinaca kale, Maleeshiyaadka Daacish ayaa dhankooda kawada diyaar garow ay isaga caawinayaan Ciidamada maamulka Puntland waxaana soo baxaaya in Maleeshiyaadka ay dhufeysyo ka sameysteen Degmada Qandala.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo

