25.4 C
Mogadishu
Monday, January 12, 2026

Mid ka mid ah Ergadii soo dooratay Goodax Barre oo lagu khaarijiyay garoonka Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhow magaalada Muqdisho lagu dilay mid kamid ah Ergadii dooratay Xildhibaan C/llahi Goodax Barre.

Marxuumka la dilay ayaa la sheegay in dilkiisa uu ka dhacay agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo kasoo laabtay magaalada Jowhar oo maalmo un ka hor lagu doortay Xildhibaanka ayaa waxaa dilay Askari ka tirsan kuwa ka howlgala Garoonka Aadan Cadde.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Cabdi Cali waxa uuna dilkiisa dhacay cudur daar la’aan kadib markii Askarigaasi uu isku dayay inuu ka qaato lacago shaxaad ah.

Ciidamada ku sugan afafka hore Garoonka Aadan Cadde ayaa gacanta ku dhigay Askariga dilka geystay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca dilal Siyaasadeysan oo loo geysto dadka waxgaradka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News