Cadaado (Caasimada Online)-Waxaa maanta magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud gaaray wafdi ay kamid yihiin gudoomiyaha maxkamada sare iyo xeer ilaaliyaha qaranka.
Ibraahim Suleymaan Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka iyo Axmed Cali Daahir ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.
Ujeedada wafdiga ayaa ah sidii loo tayeyn lahaa xeer ilaalinta iyo maxkamada sare ee qaranka, waxaana ay la kulmeen madaxda maamulka Galmudug.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in wafdiga magaalada inta ay joogaan kulamo la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee garsoorka.
Magaalada Cadaado ayaa la aamisan yahay iney ka dhacday doorasho musuq maasuq badan laheyd, oo ay kusoo baxeen xubno taageersan Xasan Sheikh.
Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
[email protected]

