30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Doorashada ka socota Jowhar oo sabab yaab leh loo hakiyay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta hakat ku imaaday Doorashada Aqalka Hoose ee ka soctay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Doorashada oo lagu waday in lagu doorto Seddex kursi ayaa hakat ku imaaday kadib markii la sheegay in Ergadii dooran laheyd Musharaxiinta aysan wali soo gaarin magaalada Jowhar.

Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer maamul Goboleed Hirshabelle ayaa dhankooda ka sheegay in Doorashada maanta la filaayay ay dib u Dhacday.

Guddiga waxa uu sheegay inay aad uga xunyihiin in Doorashada ay u dib dhacdo Ergo la’aan, waxa ayna intaa ku dareen Guddiga in Doorashada ay dhici doonto goorta ay Ergadu soo wada xaroodan.

Doorashada ka socta Magaalada Jowhar ayaa waxaa inta badan lagu doortaa Xubno garab u ah Xasan Sheekh halka xubnaha kale lagu sameeyo musuq dhanka Ergooyinka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News