26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Xasan Sheekh oo lasoo baxay geesinimo aan horay loogu arag

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee uu wakhtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay halka uu maraayo ololihiisa Doorasho.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in ololaha socda uu leeyahay wajiyo kala duwan, waxa uuna sheegay in ololihiisa uu iminka yahay mid meel wanaagsan maraayo.

Xasan Sheekh, waxa uu sheegay in marxalada ugu adag ay tahay marka leysugu tago Hoolka ay Doorashadu ka dhici doonto, balse waxa uu rajo ka muujiyay in Doorashada uu ka gaari doono guul.

Waxa uu sheegay in muhiimadiisa ay tahay inay u codeeyan Xildhibaano uu ku sifeeyay kuwo calool fiyoow, waxa uuna meesha ka saaray inay heyso cabsi ka dhan ah Doorashadiisa.

Xasan Sheekh waxa uu sidoo kale sheegay inaanu jirin wax gaara uu la cabsanaayo, waxa uuna cod dheer ku sheegay inuu ku rajo weyn yahay guul.

Waxa uu soo hadal qaaday caqabadaha kaga imaanaya dhanka Beesha Caalmaka, waxa uuna cod dheer ku sheegay in faragalin ama culeys kaga imaada dhanka Beesha Caalamka aysan u joojin doonin howlahooda Doorasho.

Haddalka Xasan Sheekh ayaa u muuqda mid lagu cabsi galinaayo Musharaxiinta ololaha ku cariirinaaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News