27.9 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Madaxweyne Xasan Sheekh oo jawaab siiyay Cumar Cabdirashiid

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa shalay magaalada Kismaayo tagay, isagoo safarkaasi jawaab u ahaa ra’iisul wasaaraha dalka.

Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Kismaayo ka sheegay hadal u muuqday inuu jawaab u ahaa Cumar C/rashiid, wuxuuna sheegay inuu u tagay magaalada musharaxnimadiisa.

Wuxuu sheegay inuusan jirin musharax mid kale ka hor istaagi kara inuu tagaa magaalooyinka dalka, isagana uu u tagay Kismaayo arimo ay kamid tahay olalahiisa doorashada.

“Dadban oo Saaxibadeey ah oo Booska Madaxweyninimada raba ayaa Kismaayo yimid dabcan anigana Ajandahaas igama marna oo inaan dalka mudadii aan soo wadnay hormarka aan soo gaarnaya meeshiisa inaan ka sii wadno ayaan rabaa”

“Laakiin waxaan rabaa mida shaqsiga ah ee aniga inaan musharax ahay oo aan rabo Doorasho waa meesheeda mana qarsooneyn, laakiin mida aan rabo inaan ku faano dadka Somaliyed musharaxiin ayaa socda oo Siyaasiyiin maqaam Siyaadeed raba ayaa socda qoryo ma wato ajande Siyaasadeed ayuu wataa horay uma aysan jiri jirin.” Ayuu yiri Madaxweynaha

Cumar C/rashiid ayaa Kismaayo ka sheegay in dalka u baahan yahay isbadal dhanka hogaanka ah, waxayna taasi keentay in madaxda warbaahinta ee xafiiska madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha  baraha bulshada ugu jawaabaan.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News