25.5 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Doorasho musharaxiintii la dooran lahaa ay jiifeen oo Cadaado ka dhacday (Arrin cusub)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa Saaka aroornimadii hore magaalada Cadaado ee xarunta KMG maamulka Galmudug ka dhacday Doorashada Aqalka Hoose taa oo ay ku tartamayeen musharaxiin dhowr ah.

Doorashada ayaa waxaa la bilaabay wakhti aan munaasib aheyn xiligaasi oo inta badan Musharaxiinta ahaayen kuwo aan hurdada kasoo toosin.

Guddiga Doorashooyinka dadban ee maamulka Galmudug ayaa shalay musharaxiinta ku wargaliyay in Doorashada ay bilaaban doonto Lix saac oo duhurnimo, isla markaana looga baahan yahay in Hoolka ay soo xaadiran Shan saac oo duhurnimo.

Doorashada oo aheyd mid gaadmo ah ayaa dhacday subixii hore ee Saakay, halka Musharaxiinta la balamiyay Shan saac.

Doorashada oo ku dhacday qaab indha sarcaadis ah ayaa waxaa ku tartamaayay labo Musharax oo si weyn kursigooda muran uga jiray kuwaasi oo lagu kala magacaabo Cabdixakiin Macalin Axmed iyo Shukri Cabdi Faarax.

Doorashada ayaa waxaa kusoo baxay C/Xakiim Macalin Axmed oo helay 40 cod, halka Shukri Cabdi Faarax heshay 5 cod.

Goobta ay Doorashada ka dhaceysay ayaa waxaa sidoo kale ka maqnaa 4 Musharax oo la sheegay in xiliga Doorashada ay ahaayen kuwo jiifay maadaama lagu wargaliyay in Doorashada ay dhici doonto Lix Saac oo duhurnimo.

Xubnaha Goobta ka maqnaa ayaa kala ahaa:

1-Maxamed Caabi Xasan

2-Xaliimo C/raxmaan Faarax

3-Axmed Mire Faarax (Faafaale)

4-Sacdiyo Maxamed Cilmi

Doorashada ayaa u dhacday qaab musuq-maasuq ah maadaama Musharaxiinta uu tartanka u dhexeeyay ay ahaayen kuw uu khilaaf ka dhex aloosnaa.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News