Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo magaalada Muqdisho ka socoto doorashada xildhibaanada beelaha banaadiriga ayaa haddana waxaa la filayaa in lagu qabtaa doorashada xildhibaanada labada aqal ee deegaanada waqooyi.
Hishiiska iyo soo jeedinta odayaasha Dir waqooyi ayaa ahaa in xildhibaanada u matalaya baarlamaanka Soomaaliya lagu doortaa xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.
Doorashadaasi ayaa waxaa lagu qabanayaa maanta xarunta gaadiidka booliska, waxaana ay tahay mid ka hor imaaneyso soo jeedinta ra’iisul wasaaraha dalka iyo odayaasha dhaqanka ee Somaliland.
Waxaa maanta la filayaa in magaalada Muqdisho ka dhacdo doorashada xildhibaanada ee waqooyiga Soomaaliya, waxaana laga yaabaa in dib u dhac uu ku yimaado.
Qaar kamid ah musharixiinta madaxweynaha oo uu kamid yahay C/raxmaan C/shakuur ayaa maalin kahor si cad u sheegay ineysan aqbali doonin in doorashada xildhibaanada Somaliland matalaya ka dhacdaa meel aan aheyn Xarunta Xalane.
Waxaana fikradaasi oo kale qaba Cumar C/rashiid ra’iisul wasaaraha waqtigiisa dhamaaday oo iminka ah musharax madaxweyne.
La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

