Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta halkaasi ka dhacday doorashada beelaha Gaaljecel oo muddo murun uu ka taagnaa.
Doorashadaasi ayaa waxaa ku tartamayay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo mucaarad weyn ku ahaa Xasan Sheikh, balse muddooyinkii dambe kula hishiiyay dhismaha maamulka HirShabeele.
Jeesoow ayaa lagu yaqaan inuu yahay xildhibaanka ugu is-bedbedelka badan baarlamanka Soomaaliya, balse maalmihii dambe aad ayuu ugu dhowaa Xasan Sheekh.
Daahir Amiin Jeesow waxaa la tartamayay Xamze Aadan Xaadow oo ay isku reer kasoo jeedaan, waxaana ugu dambeyn guusha ay raacday Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.
Doorashada ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxay ka dhigeysaa iney meel gabo-gabo ah mareyso doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee HirShabeele.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo muddooyinkaan dambe saaxiib la noqday Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa waxaan la ogeyn sida uu noqon doono afarta sano ee soo socoto.
Caasimada Online
Xafiiska HirShabeele
[email protected]

