Muqdisho (Caasimada Online) – Sawirkaani cajiibka ah ayaa waxaa laga sameeyay musuqa iyo dhagarta lagula dhaqmay Ergooyinkii magaalada Cadaado iyo Jowhar kusoo doortay Xildhibaanada cusub.
Sawirka ayaa waxaa laga sameeyay Ergada oo wata Jeegag feeg ah oo ay ka gudoomeen Musharaxiinta la doortay, waxaana la sheegayaa in Jeegagaasi ay yihiin kuwo aan ka shaqeyn Bangiyada iyo Xawaaladaha ku yaalla magaalada Muqdisho.
Odayaasha Ergo ahaanta loo geeyay magaalooyinka Cadaado iyo Jowhar ayaa ku ceeboobay Jeeg lacageedka kadib markii Xawaaladaha iyo Bangiyada ay diiden inay qaatan Jeega maadaama Ergada lasiiyay jeegag been abuur ah.
Ergada lagu miisaaliyay Sawir gacmeedka ayaa hordhooban Xawaaladaha, waxaana qaarkood u qoran lacago kala duwan.


