25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Wararkii ugu dambeeyay Xaalada degmada Qandala oo jawi kale gashay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegaya in xalay halkaasi ka dhacday duqeyn khasaaro geysatay.

Duqeymaha oo dhanka cirka ahaa, ayaa waxaa fuliyay diyaarado dagaal oo la sheegay in ilaa shalay dul heehaabayeen deegaanka oo kooxda Daacish ku sugan tahay.

Duqeynta dhanka cirka ee lagu garaacay deegaanka ayaa dadka deegaanku waxay sheegayaan in khasaaro kala duwan ay geysatay, waxaana deegaanka ku sugan wali kooxda Daacish.

Ciidamada Puntland oo wali deegaanka gudaha aan u galin ayaa kaabiga ku haya degmada Qandala, waxayna doonayaan iney ka saaraan kooxda Daacish.

Ciidamada maamulka Gaas ayaa wali ku guuleysan iney qabtaan deegaankaasi, waxaana muddo todobaad ah kaabiga ku hayaan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News