25.2 C
Mogadishu
Tuesday, June 23, 2026

Madaxtooyada Somalia oo arrin yaab leh ku haysa reer waqooyiga Xamar jooga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Somalia, ayaa waxaa lagu eedeeyay in faragalin lixaad leh ay ku heyso Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi uga socda magaalada Muqdisho.

Boqor Maxamed Jaamac oo ah afhayeenka Salaadiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka Soomaaliland, ayaa sheegay in Doorashooyinkooda lagu hayo faragalin adag.

Boqor Maxamed, waxa uu sheegay in faragalinta ugu badan ay kaga imaaneyso dhanka Madaxtooyada Somalia, waxa uuna sheegay in faragalinta ay gaartay heerkii ugu adkaa.

”Waxaan Xildhibaanada ka dooran la’nahay faragalin ay nagu heyso Madaxtooyada Somalia, waxaa nalagu qasbayaa musharaxiin aan garaneynin inaan doorano”

”Madaxtooyada dhaqaale ayay isaga horkeeneysaa musharaxiinta waxaa nagu adag inaan doorano musharaxa aan dooneyno”

Boqor Maxamed, waxa uu sheegay in Xildhibaanada qaar ay noqon doonaan kuwo aan ku imaan rabitaankooda waxa uuna dhaliil ka muujiyay qaabka ay Madaxtooyada u wado faragalinta.

Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, ayaa waxaa ka qeybqaadanaya Siyaasiyiin caan ah, kuwaasi oo qaarkood la doortay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News