28.9 C
Mogadishu
Monday, May 25, 2026

Xog: Shirka madasha oo 8 qodob oo xasaasi ah la isku hayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalintii labaad magaalada Muqdisho ka socda Shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee u dhexeeya Dowlada Somalia iyo Hogaamiyayaasha Gobolada dalka.

Shirka oo looga hadlaayo arrimo dhowr ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa Doorashooyinka dalka iyo Tabashada maamulka Puntland.

Qodobada looga doodaayo shirka ayaa waxaa la soo sheegayaa in qaarkood uu khilaaf ka taagan yahay, halka qaarna ay Madaxdu isku waafaqsan tahay.

Qodobada looga hadlaayo shirka ayaa waxaa kamid ah:

1-In la cayimo Waqtiga Doorashada la soo afjarayo

2-Dhameystirka Hannaanka Doorashada Dadban

3-Da dejinta Doorashada Aqalka Hoose iyo mid Aqalka Sare

4-Xal ka gaarida muranka Puntland iyo Gobolada Waqooyi ee ku aadan Aqalka Sare

5-Qoondada Haweenka

6-Xalinta kuraasta muranka ka jiro ee Aqalka Hoose

7-In Doorashada Madaxtinimada lagu qabto sanadka 2016-ka gudahiisa

8-In la fududeeyo tasiilaadka ay Doorashada u baahan tahay.

Qodobada uu khilaafka ka taagan yahay ayaa waxaa kamid ah Qodobka 1,4,6, waxaana lasoo warinayaa in Khilaafka uu ka imaanayo dhanka Puntland.

Shirka ayaa waxaa laga yaabaa inuu gaaro ilaa Asbuuca soo socda, si xal looga gaaro Khilaafka taagan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News