27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Sawirro: DF oo ka hadashay halka uu ahaa bartilmaameedka qaraxii dekada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – taliyaha ciidamada canshuuraha bariga Generaal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliyaha wuxuu sheegay in qaraxa maanta uu ahaa mid lagu laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan kuwaasi oo u badan kuwo dekada ka xamaalanayay.

Taliyaha wuxuu sheegay in bartilmaameydka qaraxa maanta uu ahaa in shacabka lagu dhameeyao kuwaasi oo aan waxba galabsan, sida uu sheegay.

“Waxaa dhibaato culus ka dhacday meesha Laanta dhexe Canshuuraha iyo inta u dhaxeysa laamiga dekeda geedaha agtooda meesha lagu qaxweeyo, Baabuurka qaraxa waa mid weyn waloow baarista aanan guda gelin, dad shacab ah ayaa aad ugu baaba’ay.” Ayuu yiri General Bariise.

- Advertisement -

Read more

Local News