27.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Xog: CC oo Garoowe ka wada kulamo sumcada looga dilayo Xasan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (CaasimadaOnline) – Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ku sugan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali.

Ra’isul wasaaraha oo saldhigtay Madaxtooyada maamulka ayaa waxaa lasoo warinayaa in halkaasi uu kulamo kala duwan kula qaadanaayo qaar kamid ah Xildhibaanada cusub ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Garoowe.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa Xildhibaanada kala hadlay Doorashada Somalia, waxa uuna sidoo kale hadaladii uu u jeedinaayay Xildhibaanada si ba’an ugu bahdilay Xasan Sheekh Maxamuud.

Cumar C/rashiid ayaa Xildhibaanada u sheegay in Xasan Sheekh uu yahay shaqsi mar waliba u taagan inuu carqaladeeyo danaha Beesha Daarood, waxa uuna ka codsaday inaysan fiirin lacagta oo aysan u codeyn Xasan Sheekh.

Nuqul kamid ah hadalkiisa ayaa ahaa ”Haddii aad u codeysaan Xasan Sheekh, micnuhu waxa ay ka dhigantahay inaad raali ka tihiin in Hawiye uu u taagnaado gumeysiga Daarood”

Sharmaarke ayaa Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu yahay shaqsi ay ka buuxdo nin jecleysi, waxa uuna meesha ka saaray inay ku jirto dhibic daacadnimo ah.

Geesta kale, Cumar C/rashiid ayaa lagu wadaa inuu sii wadi doono la kulanka Xildhibaanada cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News