27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Liiska oo buuxa: Magacyada iyo beelaha xildhibaanada la laalay doorashadooda (Aqriso)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xalinta khilaafaadka ayaa ku ku dhawaaqay in la baabi’iyey doorashooyinkii qaar ka mid ah xildhibaanada Aqalka Hoose ee baarlamanka Soomaaliya, ee muranka uu ka taagnaa.

Guddiga ayaa sheegay inay soo gaareen cabashooyin gaaraya illaa 67 kursi, oo la sheegay in si qaldan ama musuq maasuq uu ku jiro lagu doortay, hase yeeshee waxay sheegeen inay laaleen kaliya 11 kursi.

Waxa ugu yaabka badan ayaa ah in guddiga ay ka leexdeen kuraasta shaqsiyaad caan ah oo xoog iyo musuq maasuq kusoo baxay, balse ay laaleen kuraasta dhowr qof oo aanay bulshada si wanaagsan u aqoon.

Arrintan ayaa u muuqata mid lagu qaldayo dareenka bulshada iyo beesha caalamka, si caddaalad loo muujiyo, balse xaqiiqda ay tahay in xubno badan oo awood sheegtay kuna xiran madaxweynaha la ansixiyey doorashadooda.

Hoos ka aqriso liiska





Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News