26.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Maxaa keenay in aan liiska laga saarin xildhibaanada taageersan Xasan?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashadda dadban ee Soomaaliya ay Liiska Xildhiaanada ka saaren 11 Xildhibaan, ayaa waxaa soo baxeysa in Liiska aan wali laga saarin dhowr Xildhibaan oo taabacsan Madaxweyne Xasan kuwaasi oo lagu soo doortay qaab Musuq-maasuq ah.

Xildhibaanada ugu badan ee lagu soo doortay Musuqa ama awood sheegashada ee aan Liiska laga saarin ayaa waxaa u badan Xildhibaano taabacsan Madaxweyne Xasan waxaana Xildhibaanadaasi kamid ah:

1-Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mahad Maxamed Salaad.

2-Agaasimaha Madaxtooyada Somalia Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad).

3-Agaasime ku-xigeenka madaxtooyada Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim.

4-Faarax Sheekh C/qaadir

5- Mustaf Dhuxuloow

6- Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar

Guddiga Xalinta khilaafaadka doorashadda dadban oo markii horaba uu sameystay Xasan Sheekh ayaa si musuq ah ula saftay Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhamaaday.

Guddiga oo qaab hoos iska taabat loo dhisay ayaa iska indha-sarcaadinaaya xaqiiqda, waxaana Liiska lasoo bandhigay u badan Xildhibaano aan Doorashadooda laga qabin wax dacwad ah.

Xildhibaanada Liiskooda lasoo bandhigay ayaan shaqo ku laheyn codadka la musuqay, waxaana lagu bedelay Xildhibaanada aan kor ku xusnay ee Musuqa lagu doortay.

Guddiga doorashadda dadban, ayaa horay usoo bandhigay Liiska 4 Xildhibaan oo ay diiday Beesha Caalamka waxaana kamid ahaa:

1-Mahad Maxamed Salaad.

2-Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad).

3-Saadaq C/kariin Xaaji Ibraahim.

4-Mustaf Dhuxulow

Si kastaba ha ahaatee, Musuqa iyo isdabamarinta Madaxtooyada Somalia ayaa iminka gaarsiisan heerkii ugu xumaa, waxaana arrintaani indhaha ka daawanaaya Hay’adaha Dowlada ee arrintaani ay khuseyso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News