32.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Keating oo caddeystay dagaalka uu kula jiro beesha Mudullood

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa shaaca ka qaaday in Beesha Caalamka aysan raali ka aheyn in Madaxweynaha cusub ee Somalia uu noqdo Musharax kasoo jeeda Beelaha Hawiye, gaar ahaan beesha Mudullood.

Michael Keating, ayaa diblomaasiyiin reer Galbeed ah u sheegay in beesha Mudullood ay sideed sano dalka hogaaminayeen, waxa uuna tilmaamay in Afarta sano ee soo socta Somalia ay hogaamin doonto Beelaha Daarood, sida ay ilo wareedyo u sheegeen Caasimada Online.

Michael Keating, waxa uu haddalkaani ka sheegay kulan ka dhacay Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, wuxuuna carab dhabay in Siyaasada Somalia lagu tijaabin doono Beelaha Daarood.

Wakiilka QM ayaa dhinaca kale qeyb ka ah olole loogu magac daray “No More Abgaal” ama “Abgaal Dambe Maya”, kuna saabsan doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Ololahan ayaa waxaa horboodaya ra’iisul wasaaraha waqtiga uu ka dhammaaday ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, waxaana ku jira siyaasiyiin ay ka mid yihiin Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo Cabdiraxmaan Ceynte, oo beelaha Xawaadle iyo Murusade ka dhashay.

Waxaa qorshuhu yahay in beesha caalamka iyo xildhibaanada cusub ee baarlamanka Soomaaliya laga dhaadhiciyo in qof dambe oo kasoo jeeda beesha Mudullood uusan dalka madaxweyne ka noqon, ugu yaraan mustaqbalka dhow.

Michael Keating, ayaa sidoo kale carabaabay in Somalia ay u baahan tahay isbedel, waxa uuna cadeeyay in mowqifkooda uu yahay Sanad cusub iyo Dowlad cusub oo mideysan.

Haddalka Michael Keating, ayaa imaanaya xili Beesha Caalamka ay garab dhaqaale siinayaan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News