Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay faragalinta ay Dowlada Ethiopia ku heyso Siyaasada Somalia.
Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Dowlada Ethiopia ay awood ku dhex leedahay Siyaasada Somalia, waxa uuna daaha ka rogay inay awood u leedahay taageerida Musharaxa ay doonto.
Keating, waxa uu Dowlada Ethiopia ku sifeeyay mid galaangal u leh Siyaasada Somalia, isla markaana haddii wax looga baahdo Somalia wax laga weydiiyo Ethiopia.
Dowladaha Reer Galbeedka ayuu sheegay in tixgalin gaara ay u hayaan Dowlada Ethiopia waxa uuna carab dhabay in awood buuxda ay u leedahay faragalin degdeg ah, waa haddii loo baahdo, sida uu hadalka u dhigay.
Michael Keating waxa uu intaa raaciyay in Musharax waliba ay taageeri karto Dowlada Ethiopia, iyadoo laga duulaayo maslaxada iyo Horumar kusoo dabaalida dalka Somalia.
”Ethiopia waxa ay noogu jirtaa kaalin miisaan leh, waxa aan xaqiijinayaa inay awood ku dhex leedahay Somalia wixii khuseeya arrimaha Somalia ee caalamka mugdi ka galaa waxaa su’aal laga weydiin doonaa Ethiopia”
Haddalka Michael Keating, ayaa imaanaya xili Dowlada Somalia ay muddo dhowr jeer ah inkirtay faragalinta Siyaasadeed oo dowlada Ethiopia ay ku heyso Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

