Gaalkacyo (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Galbeedka magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in deegaano halkaasi ku yaala lagu arkay Meydad dhowr ah.
Meydadkaani oo laga soo saaray God weyn oo halkaasi ku yaala ayaa waxaa ku jiray Hooyooyin, Carruur ay dhaleen iyo Dhalinyaro lagu qafaashay dagaaladii halka bil socday ee u Dhexeeyay maamulada Puntland iyo Galmudug.
Meydadkaani ayaa waxaa ku jiray kuwo xirxirnaa oo loo badinaayo in dilkooda ka hor la xiray, waxaana xusid mudan in caruurta lafahooda la helay ay ku jireen kuwo da’dooda lagu qiyaasay 2 ilaa 4 jir.
Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in Meydadka la helay ay u badnaayen kuwo laga soo qafaashay Magaalada Gaalkacyo.
“Lama oga cida falkaasi ku kacday inta lagu gudajiray Dagaalka waxaana lagu khiyaasayaa Meydadka ilaa sideed ruux”
Dhacdadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland muddo bil ku dhow ay ku dagaalamayeen Galbeedka magaalada Gaalkacyo iyo deegaano kale.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo

