Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhowaan la kordhiyay xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan xubnaha soo gaaray maamulka Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa saddex beelood u qoondeeyay in la siiyo xubnaha laga siiyay Aqalka sare ee dheeraadka ah, kuwaasoo tiradooda gaareyso 3 xubnood.
Beelaha la siiyay xubnaha dheeraadka ah ee Aqalka sare ay ka heshay Galmudug waxay kala yihiin:
1 – Beesha Murusade [Hal Xubin]
2 – Beesha Saruur/Habargidir [Hal xubin]
3 – Beesha Shanaad/ Ma-dhibaan [Hal xubin]
Saddexda xubnood ayaa la filayaa inu degdeg u magacaabo madaxweynaha Galmudug oo dhowaan dib ugu soo laabanaya safarro ku saabsan arrimaha Doorashada oo uu ku gaaray magaalooyinka Adis ababa iyo Nairobi.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

