Muqdisho (Caasimada Online) – Musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ee Doorashada 2016 ayaa mid waliba sameystay hal-ku-dhig iyo halheys ku saabsan ololaha Doorashadooda, kana tarjumaya hadafkiisa siyaasadeed.
Ra’iisal wasaarihii hore ee dowladii KMGa ahayd ee Soomaaliya ahna musharax markii labaad u taagan xilka madaxweynaha ayaa sameystay mid ka mida halheysyada ugu wanaagsan ee musharixinta kaasoo ah: DANTA DALKA IYO DADKA.
Halheyskan ayaa baaritaan kadib waxa ay Caasimada Online ogaatay in laga soo qaatay dhaarta rasmiga ah ee madaxweynaha ee ku cad dastuurka jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya taaasoo u qoran sida soo socota:
Halheyska Farmaajo ayaa noqday mid qabyo oo haddana macne badan sameeneyn markii la ogaaday in laga reebay DIINTA, waxayna dad badan u arkaan in magaca diinta aysan jecleyn beesha caalamka iyo dalalka reer Galbeedka, taasoo keentay in halheyska Farmaajo noqdo mid qabyo ah oo fartu ku godan tahay.
Farmaajo ayaa ka mid ah musharaxiinta sida aadka ah taageerada uga haysta shacabka Soomaaliyeed, oo baraha bulshada marka aad eegto si weyn looga hadal hayo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]



