28.3 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Xildhibaanada Hawiye oo shaaciyay musharaxiinta ay codadkooda ka ilaalin doonaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) oo kamid ah Xildhibaanada BFS, ayaa si adag uga hadlay Musharaxiinta dhowrka ah ee uu cadadkooda sii kordhaayo.

Xildhibaan Ducaale, ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay in Musharaxiin tiradooda ay intaa dhantahay ay u tartamaan hal kursi, waxa uuna ka digay in Kursigaasi loo isticmaalo hab dhaqaale uruursi ah.

Ducaale, ayaa tilmaamay in ka Xildhibaano ahaan aysan Codkooda siin doonin Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweyninimo ee ka tirsan Hogamiyasha Madasha Qaran.

Xildhibaanka waxa uu tilmaamay in Codadka ay siin doonaan keliya Musharaxiinta madaxabanaan ee aan qeybta ka aheyn Hogamiyasha Madasha Qaran.

”Waxaan u arkaa inay qalad tahay in codka lasiiyo kuwa xildoonka ah ee qeybta ka ah Hogamiyasha Madasha Qaran, waxaan ka doorbideynaa in codadka aan siino kuwa madaxabanaan ee aan meel raacsaneyn”

Sidoo kale, Xildhibaan Ducaale ayaa sheegay ineesan u’dulqaadan doonin xuquuqda gobolka Banadir ee kawaayeen matalaada aqalka sare.

Waxa uu sheegay in Codadka Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Banaadir ay ka ilaalin doonaan Musharaxiinta ka tirsan Hogamiyasha Madasha Qaran sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna sabab uga dhigay diidmada ay diideen soo dhicinta maqaamka Gobolka Banaadir.

Haddalka Xildhibaan Ducaale ayaa imaanaya xili Musharaxiinta ka tirsan Hogamiyasha Madasha Qaran ay kamid yihiin Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News