32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Gudoonka baarlamaanka oo mooshin cusub loo gacan geliyay (Yaa laga keenay )

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee maamulka Puntland ayaa wadda mooshin cusub oo ay diyaarinayaan.

Mooshinkaasi ayaa waxaa laga diyaarinayaa madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Eng C/xakiin Xaaji Cumar Cameey,oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Tiro kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Puntland ayaa gudoonka baarlamaanka maamulkaasi u gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Eng Cameey.

Ujeedada Mooshinka ayaa lagu sheegay iney tahay in Eng Cameey uu hishiisyo qarsoodi ah la galay siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Somaliland.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay inuu ka shaqeynayo arimo ka hor imaanaya danaha deegaanada Puntland, sida mooshinka lagu xusay.

Mooshin cusub marka  la maqlaa waxaa dhagaha Soomaaliyeed ka guuxaya arimo badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News