28.9 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Xog: Khilaaf ka taagan ciidankii sugi lahaa amniga doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay Saraakiil ciidan oo ka tirsan Dowlada ayaa sheegaya in la guda galay Hanaanka lagu sugi lahaa amniga magaalada Muqdisho xiliga Doorashada.

Saraakiisha ayaa xaqiijisay in Guddiga loo xil saaray Amniga Doorashooyinka, ay isku Khilaafsan yihiin Ciidamada sugi laheyd Amniga xiliga fooda nagu soo heysa ee la filaayo inay dhacdo Doorashada.

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga ayaa qaadacday in Ciidamada amniga qaabilsan lagu darro Militeriga waxa ayna soo jeediyeen in Amniga loo madaxbaneeyo Ciidamada NISA, Booliska iyo kuw AMISOM.

Mas’uuliyiinta ka tirsan Guddiga ee ka biya diiday in Militeriga ay qeyb ka ahaadan amniga, ayaa sheegay inay munaasibtahay in loo xilsaaro daafaha magaalada Muqdisho si ay uga hortagaan maleeshiyaadka halkaasi Hubka kasoo tuuri karo.

Waxa ay ku dooden in Militeriga aysan ku dhex noolaankarin Bulshada, maadaama ay yihiin kuwo loogu tallo galay inay waxkaqabtaan deegaanada ka baxsan magaalada iyo Maleeshiyaadka duulaanka ah ee kasoo talaabikara difaacyada.

Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale ku dooday in Ciidamada NISA iyo Booliska ay yihiin kuwo loogu tallo galay inay dhexgalaan Bulshada.

Khilaafka ka dhextaagan Guddiga ayaa u muuqanaaya in Amniga looga danbeyn doono Ciidamada NISA iyo Booliska oo iminkaba diyaarintooda ay socto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News