Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in wali xiisad colaadeed ka taagan tahay magaalada Gaalkacyo.
Xiisada ayaa u dhaxeysa labada maamul ee kusugan magaalada, waxaana ciidamada labada dhinac oo is horfadhiya ay rasaas isku weydaarsadeen Suuqa Darxumo ee magaalada Gaalkacyo.
Waxaa goobjoogayaasha sheegayaan inuu xiran yahay ganacsigii Suuqa Darxumo, iyo goobaha kale ee ku hareereysan Suuqaasi.
Cabsi xoogan ayaa ka taagan magaalada Gaalkacyo iney markale ku dagaalamaan maamulada Galmudug iyo Puntland, waxaase socdo waanwaan ay wadaan gudiga dib u hishiisiinta oo labada dhinac matalaya.
Habeen hore ayay aheyd markii madaafiic cabsi daraadeed iyo kala shaki ay isku weydaarsadeen ciidamada labada maamul.
Dadka deegaanka qaarkii ayaa bilaabay iney isaga baxaan magaalada, iyadoo dagaal ka cabsanaya.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]

