25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Ethiopia oo wada qorshe lama filaan ku noqon doona musharaxiinta Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ay waddo qorsho lagu kala dhantaalayo Musharaxiinta loolanka adag ugu jira qabashada xilka Madaxweyninimo ee Somalia.

Qorshahaani ayaa lagu dajiyay kulan Axadii lasoo dhaafay ka dhacay Xarunta Wasaarada arrimaha Dibadda Ethiopia, oo uu qeyb ka ahaa Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn.

Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in Somalia looga baahan yahay ilaa Seddex Musharax wixii kasoo harana lagu qanciyo tanaasul iyo inay iska soo dhex xulaan Seddexda Musharax.

Hailemariam Desalegn, ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi siiyay awood uu ku kala dirikaro Musharaxiinta isagoo fursad loo siiyay inuu marti galin karo si uu ugu qanciyo tanaasulka.

Hailemariam Desalegn, waxa uu kulanka ka sheegay inay jiraan Musharaxiin dhowr ah oo lagu qanciyay inay sameeyan tanaasul, balse loo baahan yahay in wadahadal ay la furaan kuwa ay iyaga wataan.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa dhankiisa ka ballanqaaday inuu jawaab cad ka keeni doono natiijada kasoo baxda hanaanka lagu kala dhantaali doono Musharaxiinta.

Hailemariam Desalegn, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Xubnaha kale ayaa isla fahmay in Musharaxiinta la kala yareeyo iyadoo kulanka lala qaadan doonana uu ka dhici doono magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News