25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Xog: Soomaaliya oo illaa shanta bisha Janaayo u qabatay Kenya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa illaa shanta bisha Janaayo ee 2017 u qabatay dowladda Kenya inay ugu hogaansato heshiiskii labada dal ay Muqdisho ku kala saxiixdeen 13-kii September 2016.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa Caasimada Online u sheegay in wasiirka wasaaradda Cali Axmed Jaamac Jangali uu warqad uu diray dowladda Kenya ku sheegay in haddii aysan Kenya u hogaansamin heshiiskaas ka hor shanta Janaayo, in Soomaaliya ay joojin doonto diyaaradaha qaadka ka keena Kenya.

Heshiiski 13-kii September oo ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa Soomaaliya ay ku fasaxday diyaaradihii qaadka, ayada oo Kenya ay ballan qaaday inay muddo saddex bilood ah ku joojin doonto diyaaradaha Soomaaliya ka imanaya ee lagu baaro magaalada Wajeer.

Si kastaba Kenya kama aysan soo bixin heshiiskaas, welina dadka Soomaaliya ka safraya waxaa lagu dhibaa magaalada Wajeer.

Sida aan xogta ku helnay warqadda kasoo baxday wasiir Jangali ee loo diray Kenya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya aysan ogolaan doonin in Kenya ay si fudud heshiiska isku ilowsiiso, islamarkaana haddii aysan shanta bisha ka hor ka dhabeyn heshiiska, ay Soomaaliya joojin doonto qaadka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News