26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Britain oo soo saartay digniin culus oo ku socota siyaasiyiinta haysta dhalashada dalkaas

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraala oo kasoo baxay Safaarada Dalka Britain ee Somalia ayaa waxaa digniin lagu siiyay Muwaadiniinta heysta dhalashada ee faragalinta ku haya Doorashada Somalia.

Qoraalka kasoo baxay Safaarada Britain oo lagu faafiyay Baraha Twitterka ayaa si cad loogu soo bandhigay farriin ay la socotay goodin oo loo soo diray Musharixiinta haysta Dhalashadda Britain.

Warbixinta ka soo baxday safaarada Dalka Britain ayaa lagu sheegay in sharciga Dalka Ingiriiska lagu ciqaabi doono Muwaadiniinta heysata Dhalashada Britain ee ku lug yeesha Musuq maasuqa Doorashada Soomaaliya.

Danjiraha xilka kasii degaysa ee dalka Britain u fadhisa Somalia Harriett Mathews ayaa sheegtay inay tallaabo ka qaadi doonaan Muwaadiniinta Britishka ee ka qeyb qaadanayo Nidaamka Doorashadda Somalia.

Musharixiinta Madaxtinimadda waxaa ku jira kuwo haysta Labo Dhalasho, iyadoo kala bar Musharixiintaasi wataan Baasaboorka Britain.

Sidoo kale, Qoraalkan laguma bixin faah-faahin intaas dheer, waxa aysa Britain ku goodisay in Muwaadiniinteeda Musuqa iyo faragalinta ku haya Nidaamka Doorashadda Somalia, ay marin doonto waxa uu qabo sharciga Britain.

Goodinta Dowlada Britain ayaa daba socta qoraal kasoo baxay saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka oo lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin qaar ka mid ah go’aanada kasoo baxay Hogaanka Madasha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan hanaanka doorashooyinka Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa horay usoo saartay hajnabaadii ugu cusleyd oo ku muujineyso inay ka go’an tahay ka hortagista musuq maasuqa hareeyey doorashooyinka dalka Soomaaliya.

The UK Bribery Act also applies to British Nationals overseas. https://twitter.com/US2SOMALIA/status/814021469315493888 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News