Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya digniinada is xigxiga ee loo jeedinaayo Siyaasiyiinta heysta dhalashada dalalka Yurubta ee qeybta ka ah Siyaasada Somalia.
Digniinada ugu horeeyay ee loo jeediyay Musharaxiinta Madaxnima doonka ah iyo Siyaasiyiinta kale ee heysta dhalashadaasi ayaa waxaa si siman usoo diray Dowladaha Mareykanka iyo Britain oo saameyn ku dhex leh Siyaasada Somalia.
Ergay u hadlay Midowga Europe oo u waramaayay mid kamid ah Idaacadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladaha kale ee EU-da soo saari doonaan Digniino la mid ah kuwa ay Dowladaha Maraykanka iyo Britain soo saaren.
Ergayga waxa uu tilmaamay in digniinada kasoo bixi doona Dowladaga kale ee ku midoobay EU lagu xoojin doono kuwa kasoo baxay Mareykanka iyo Britain.
Waxa uu Ergayga sheegay in Digniintooya ay ka duwanaan doonto tan ay soo saaren Dowladaha Mareykanka iyo Britain, waxa uuna carabdhabay in digniintooda ay la socon doonto ficil.
Digniinaha Caalamiga ee dowladahaasi soo saareen ayaa ku soo beegmay iyadoo ay Beesha Caalamka soo saareen War-saxaafadeed ay kaga walaacsan yihiin Go’aano ka soo baxay Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka (NLF) oo ku aadan Kordhinta Tirada Aqalka Sare iyo in mar kale doorasho la geliyo 5 ka mid ah 24-kii xubnood ee ay Guddiga Madaxa Bananan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda horey u laaleen Liiska xubnahaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Musharaxiinta iyo Siyaasiyiinta ay ku socto digniinta ayaa badi heysta dhalashada Mareykanka iyo Britain, waxaana soo Seddexeeya Musharaxiinta kale ee heysta dhalashada Canada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]