25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Soomaaliya sida ay tahay waxaa dhaanta maxmiyad toos ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Soomaaliya si dedban ayay gumeysi ugu jirtaa mar haddii dal walba uu meel iska goostay, maafiyaduna aysan shaqadooda ahayn wixii la kala goosanayo iyo wixii la kala gadanayo. Haddaba, miyeysan ku habbooneyn in adduunyada la warsado inay dalkeenna noo geliyaan maxmiyad toos ah (formal trusteeship), si loo badbaadiyo dadka maalin walba ku dhimanaya qaraxyada, kuwa xoolahooda la boobayo iyo kuwa xabsiyada laga buuxiyey ee ku indho-beelay godka Jilicow iyo xeradii NSS-tii dadqalka ahayd? Miyeysan idinla ahayn inaan si shaqsi shaqsi ah warqado ugu qorno Qaramada Midoobay kana dalbanno in dalkan la caymiyo? Miyaanan eegaynin dadka maalin walba le’anaya oo wax ka naxaya geeridooda aysan jirin? Miyaanan u damqanaynin dadka gaajada ugu le’anaya gobollada dalka?

Mucjisada Ilaaheey, ummaddii caasimadda ku nooleyd waxaa dowladnimadii loo fahamsiiyey inay ‘dowladnimaduba’ tahay ganacsi xaaraan ah (boob iyo dhac) laga fara-qabsado lagana taajiro. Nin walba wuxuu hamiyey inuu isaga haro inuu ganacsi xalaal ah raadsado. Kii bur iyo bariis gadi jiray ee geddisleyda ahaa wuxuu ku leeyahay ‘siyaasaddaan ka ganacsadaa oo kala geddiyaa’. Ganacsiguba wuxuu ku jiraa ‘dowladda’ inaad gasho ayaad dhex ka maqleysaa meel walba. Waxaa abuurmay mallaal iyo muqallisiin ku xiran Villa Somalia, oo laaluushku uu indha-tiray, oo aan kala jecleyn – sida maafiyada guud ahaan ka kooban tahay – wixii dhimanaya iyo wixii dhaawacmaya. Sida aad arkeysaan, isuma talin karno, waana isku dulminaynaa awoodda dowladeed (si shaqsi shaqsi ah iyo si qabiil qabiil ahba). Ma is daawannaa, dalkiina ma iska daawannaa?

Waa in la ogaadaa inaysan ahayn mid ugub ah fekradda oranaysa dowladnimo dhab ah oo Soomaaliya ay yeelato waxay ku soo noqon kartaa in dalka la geliyo formal trusteeship. Waa fekrad qotodheer oo soo jiitameysay illaa iyo maalintii lagu kala yaacay ee lagu kala tagay Soomaaliya, oo nin walba uu meel ka dusay.

1. Isagoo ka walaacsan xaaladda waddanku ku sugan yahay, isla markaana fahansan inaan dowlad dhab ah aysan ka dhalaynaynin Soomaaliya mar dhow iyo mar kale toona, ayaa Professor Daniel Compagnon oo shahaadadiisa PhD-diisa ku diyaariyey xuddunta burburka Soomaaliya wuxuu sannadku markuu ahaa 1992-kii baaq u diray Qaramada Midoobay inay Soomaaliya geliso formal trusteeship.

2. Iyagoo ka walaacsan xaaladda waddanku ku sugan yahay, isla markaana fahansan inaan dowlad dhab ah aysan ka dhalaynaynin Soomaaliya mar dhow iyo mar kale toona, ayaa General Maxamed Abshir Muuse iyo Avvocato Maxamed Raajis Maxamed oo ka mid ahaa elite-kii waddanka waxay sannadku markuu ahaa 1994-kii warqad toos ah u qoreen Qaramada Midoobay inay Soomaaliya geliso formal trusteeship.

3. Iyagoo ka walaacsan xaaladda waddanku ku sugan yahay, isla markaana fahansan inaan dowlad dhab ah aysan ka dhalaynaynin Soomaaliya mar dhow iyo mar kale toona, ayaa Dr Virginia Luling oo shahaadadeeda PhD-deeda ku diyaarisay caadooyinka Soomaalida koonfureed waxay sannadku markuu ahaa 1997-kii ku baaqday in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya geliso formal trusteeship.

4. Isagoo ka walaacsan xaaladda waddanku ku sugan yahay, isla markaana fahansan inaan dowlad dhab ah aysan ka dhalaynaynin Soomaaliya mar dhow iyo mar kale toona, ayaa Professor Jeffrey Herbst oo ka mid ah mutacallimiinta waaweyn ee adduunyada ee ku taqasustay qaramada Afrika ee burburay wuxuu sannadku markuu ahaa 2000-kii ku baaqay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya geliso formal trusteeship.

5. Isagoo ka walaacsan xaaladda Soomaaliya, isla markaana fahansan inaan dowlad dhab ah aysan ka dhalaynaynin Soomaaliya mar dhow iyo mar kale toona, ayaa Professor Robert I. Rotberg oo ka mid ah mutacallimiinta waaweyn ee adduunyada ee ku taqasustay qaramada Afrika ee burburay wuxuu sannadku markuu ahaa 2004-tii ku baaqay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya geliso formal trusteeship.

6. Isagoo ka walaacsan xaaladda waddanku ku sugan yahay, isla markaana fahansan inaan dowlad dhab ah aysan ka dhalaynaynin Soomaaliya mar dhow iyo mar kale toona, ayaa Professor Afyare Cabdi Cilmi oo shahaadadiisa PhD-diisa ku diyaariyey nabadda Soomaaliya wuxuu sannadku markuu ahaa 2010-kii ku baaqay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya geliso formal trusteeship.

7. Isagoo ka walaacsan xaaladda waddanku ku sugan yahay, isla markaana fahansan inaan dowlad dhab ah aysan ka dhalaynaynin Soomaaliya mar dhow iyo mar kale toona, ayaa Maxamed Xaaji Ingiriis oo shahaadadiisa PhD-diisa ku diyaarinaya dowladnimada Soomaaliya wuxuu sannadkaan 2016-kii ku baaqay in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya geliso formal trusteeship.

Saddex maalmood kaddib waxaan galaynaa sannadkii 2017, welina lama hayo dowlad dhab ah, baaqeennu miyuusan ku habboonayn inaan si wadajir ah u xoojinno fekraddaas saxda ah, si ay dib ugu hesho noqoto qarannimo sax ah, mise waxaan iska sii daawannaa in waddanku uu maalinba maafiyo gacanta u sii galo?

Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: [email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News