Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha xilka sii haaya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xariga ka jaray isbitaalka Martini ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaasoo dib loo howlgeliyay kadib mudo dheer oo uu burbursanaa.
Munaasabadii xarig jarka isbitaalka Martini ayaa waxaa ka qeybgalay Duqa Muqdisho, ahna Guddoomiyaha Gobolka Banadir Yusuf Xuseen Jimcaale, Wasiirka Gaashaandiga, wasiir ku xigeennada Caafimaadka iyo Gaashaandhiga, Taliyaha Ciidanka XDS iyo mas’uuliyiin kale..
Madaxweynaha ayaa soo kormeeray qeybaha cusub ee lagu kordhiyey Isbitaalka iyo qalabka casri ah ee la keenay Isbitaalka, tanoo dabooli doonta baahida dhanka caafimaadka ee baahida weyn loo qabo. Isbitaalka Martini oo ah mid qadiimi ah oo magac weyn ku leh dalka ayaa waxaa uu si siman ugu adeeggi doonaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciidammada Qalabka Sida guud ahaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u mahadceliyey ciidammada XDS, Hay’adda Iida, hey’adihii gacan siiyey iyo dowladda Talyaaniga, sidoo kale waxa uu sheegay madaxweyne Xasan Sheekh in muhiim ay tahay isku tashiga bulshada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in mudnaan gaar ah la siiyo ciidammada Naafada Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Hay’adda Iida, guddoonsiisay billad sharaf ku aadan kaalintooda weyn ee qabsoomida dhismaha iyo qalabeynta Isbitaalka Martini.











